Afar koorso iyo hal filim oo wax weyn ka beddelay fahamkeyga xagga dowlad-dhiska

Dunida sidii hore ma ahan maanta, wax badan ayaa iska beddelay markay timaaddo habka waxbarashada. Berigii aan ardayga ahaa ee aan ku jiray dugsiga sare ma awoodin in aan helo kombuyuutar, iskaba dhaaf internet iwm. Laakiin markaan ku biiray jaamacaddeydii derejada koowaad (bachelor’s degree) ayaan fursad ku helay in aan wax ka fahmo aaladda tiknoolojiyadda iyo in ay jirto wax la dhaho koorsooyin fogaan arag ah.

Maalmaheygii Jaamacadda wixii ka dambeeyey waxaan xiiso gooni ah u qaaday waxbarashada fogaan araga (online courses), waxaan diyaariyey koorsooyin badan oo isugu jira kuwa xiriir la leh takhasuskeyga iyo kuwo kale oo taabanaya shaqooyinkeyga. Koorsooyinkaas waxaa ka mid ah afar koorso oo soofeeyey fahamkeyga ku aaddan dib u dhiska hay’adaha dowliga, maamul wanaagga, xiriirka dowladda iyo shacabka iwm.

Dhinaca kale, afartan koorso iyo filimka waxay igu abuureen xiiso weyn oo aan u qabo sida loo beddelo hay’adaha fadhiidka ah (reform) iyo sida loo heshiisiin karo dowladnimada iyo shacabka (citizen engagement).

1. Making Government Work in Hard Places (Princeton University, Edx)

Koorsadan waxaan ka fahmay sida ay muhiim u tahay in isbeddel la taaban karo lagu sameeyo hay’adaha dowladda iyada oo ujeeddada laga leeyahay tahay sidii loo fududeyn lahaa adeegyada dadweynaha (service delivers). Waxaa jira caqabado ku gadaaman si loo gaaro arrintaas, waxaa ugu weyn tan la xiriirta in qof waaweynka ah, boos muhiim ah jooga, uu is horistaag ku sameeyo isbeddelada la rabo in la hirgeliyo, waxaa qofkaas loo yaqaanaa qaswade (Institutional spoiler). Farsamooyinka la adeegsan karo si meesha looga saaro qofka noocaas oo kale ah ayaan ku bartay koorsadan.

2. Good Governance (United States International Peace Institute, USIP)

Goormee dowladuhu fashilmaan ama guuleystaan? Koorsadan waxaan ku bartay sida looga jawaabo su’aasha kor ku xusan iyo sida dal burburay dib loogu dhisi karo hay’adihiisa dowladnimo iyada oo loo marayo hannaanka maamul wanaagga. Waxaan kaloo bartay xeerarka ugu macquulsan ee lagu dul dhiso dowlad wanaagsan sida islaxisaabtanka, daahfurnaanta, musuqmaasuqa oo la ciribtiro, sarreynta sharciga iyo kala dambeynta iwm.

Koorsadan waxay si gaar ah uga hadleysaa marxaladaha kala guurka ah ee uu dal maro markuu ka soo kabanaayo colaado sokeeye iyo burbur; mar wuxuu ku jiraa marxalad kumeelgaar ah, mar wuxuu galayaa safar dheer oo dib u dhis ah si uu uga daba tego caalamka intiisa kale. Waxaa tusaale kuugu filan dalkeena oo hadda ku jira tartan ah facaa ha ka harin.

3. Engaging Citizens: A Game Changer for Development? (World Bank, Edx)

Waxa kaliya ee aan ka bartay koorsadan ee aan kuu sheegi karo waxay tahay in guusha iyo guuldarrada dowlad walba ay ku xiran tahay sida shacabkeeda ay ugu dhow dahay, kalsooni ka heysato, uguna adeegto si daahfuran oo bilaa eex ah. Si kale u dhig, siyaasad iyo horumar aysan qayb ka ahayn muwaadiniinta ama ku bees gareysneen danta shacabka way adag tahay in ay mirodhasho.

4. Qin Empire: Alliance

Filimkan waxaan ka bartay in isbeddelku (reform) uusan sahlaneyn, xanuun badan yahay, weliba lagu meteli karo qaliin oo kale. Waxaa kaloo filimkan laga baranayaa in dowlad-dhisku saldhig u tahay laba shay oo muhiim ah: Tan koowaad, waa sharci iyo kala dambeyn. Midda labaadna, waa in shaqaalaha dowladda lagu xushaa hab xalaal ah, hufan, qof walboo aqoontaa iyo xirfaddaa yeesan ku reebin (Meritocracy).

5. Rule of law (United States International Peace Institute, USIP)

Waa maxay sharci iyo kala dambeyn? Haddii aad u dhugato ama il gaar ah ku eegto cilmibaarisyadii laga sameeyey burburka dowladnimo ee nagu dhacay wixii ka dambeeyey 1990kii way adag tahay in aad soo hesho qof ka hadlay ama isku shuqliyey ‘saameynta ku dhaqan la’aanta sharciga iyo kala dambeynta’ ku leedahay dowlad burburka dalka. Si kale u dhig, xiriir noocee ah baa ka dhaxeeya sharciga iyo kala dambeynta iyo dowladnimada? Haddii uusan sharcigu sarreynin, ku dhaqankiisana la tixgelin waxaa halkaas ka dhalaneyso wax la dhaho nin walboo naftaa iyo waxaa doonto yeel. Sharci iyo kala dambeyn waxaa ah in qofka madaxda ah qaban karo sharciga, in sharciga loo siman yahay, in sharcigu ku dhex noolaado shacabka quluubtooda ama dhex degan yahay iwm.

Dalalka uusan ka jirin sharci iyo kala dambeyn waxaa ku badan caddaaladarrada, in qofka muwaaddinka ah uusan caddaalad ka helin hay’adaha garsoorka ama kalsooni buuxda ku qabin iwm. Bal qiyaas, adiga oo waddada socda oo shaqo u kalahaya ayaa waxaa ku qabtay booliiska ka dibna ku garaaceen, kuna geeyeen xabsiga. Lix bilood ka dib ayaa maxkamadda lagu hor keenay, waxaa laguu diiday in aad qabsato abuukaate kuu dooda. See dareemi lahayd? Waa natiijada ku dhaqan la’aanta sharciga iyo kala dambeynta. Dalkeena waxaa burburiyey oo faceena naga reebay waa isla ku dhaqan la’aanta sharciga iyo kala dambeyn.

Koorsadan waxaa ku baraneysaa sida kala dambeynta iyo sharcigu lafdhabar ugu tahay dowlad-dhiska, nabadeynta iyo gaarista xasilooni siyaasadeed oo waarta.

WQ: Xasan Mudane

Leave a comment